DhoodimeerNews.com

Mon 23/10/2017

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland Diaspro Melbourne Australia Mr Dahir Maslax Guure oo ay weheliyaan gudiga arimaha deg dega ah, waxgaradka iyo culumaa u

 

 

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland Diaspro Melbourne Australia Mr Maslax Dahir Guure oo ay weheliyaan gudiga arimaha deg dega ah, waxgaradka iyo culumaa u diinka yaa ayaa maanta March 24, 2017, baaq deg deg ah ka soo saarey abaaraha ka tagaan degaanka Puntland, uguna baaqey dhamaan Puntland Diaspro meel ay joogtaba in ay  ka soo qeyb galaan kulamadaan looga arin san hayo sidii loo taageri lahaa shacabka puntland ee ay abaaruhu barakiciyeen una baahan gaar deg deg aah. Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland Diaspro Melbourne Australia Mr Dahir Maslax Guure, ayaa yiri Puntland Diaspro waxaa looga bahn yahay in gacan deg deg dega ka geystaan marxaladaan la soo darista shacabka reer Puntland.


”ujeedada aanu u qabanayno baaqani waa laba mid oo muhiima tan hore waxaanu caalamka tusaynaa in Puntland ay u midaysantahay dhibtaan haysata Guud ahaan reer Puntland,


ujeedada labaadna waxa ay tahay is baraarujin qafkasta oo Puntlandar ah, meel kastuu joogo dalka gudihiisa iyo debediisaba inuu aqoon san yahay maanta inaanay jirin wax lala hadhaa, sidaa awgeed waxaan leeyahay alleh colaada nabad haynoogu bedelo abaartana aaran alleh haynoogu bedelo, waxanu wax ka qaban doonaa insh allah wax badan oo sahlaya in lagaga gudbo abartan daba dheraatay oo ay kow ka tahay yaraynta qiimaha biyaha iyo wax kasta oo aasaas u ah nolosha bini aadamka, ugu danbayn waxaan baaq u diraynaa ummada soomaliyeed gaar ahan kuwa reer Puntland, ha’yadaha ku hawlan bini aadanimada, beesha calamka iyo cid kasta oo ka qayb qadan karta gurmadkan loo fidinaano dadka abaaruhu saameeyen in laga wada qayb qaato si degdega”ayu yiri Gudoomiyaha Puntland Diaspro

 

 

 

 ku xigeenka  ku-xigeenka Puntland Diaspro Mr Mukhtar Farah Cali Cade, ayaa isna ka warbixiyey ka warbixiyey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, waxaana uu sheegay in xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland ay tahay tii ugu xumayd ee soo marta abid Soomaaliya, Puntland-na ay tahay meesha keliya ay samaynta waa ay jirtaa ayuu yiri Mukhtar Farah cali Cade in aanu gacan ka xiriir la sameyney gudiga abaaraha ee gudaha Puntland gaarsiineyna lacag aheyd Emergency, laakiin waxaan xusuusin hayaa ayuu yiri


 

 

    Mukhtar Farah, Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenku waxaa uu ugu  baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, ha’yadaha ka shaqeeya sama falka, beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka abaaraha in ay si deg-deg ah uga qayb qaataan gurmadka abaaraha ee loo Mukhtr ayaa sidoo kale sidoo kale baaq u diray ganacsatada magaaladaan Melbourneee reer puntland inay ka qayb qataan xaaladda abaareed ee ka jirta dalka, sidoo kale waxaa uu tibaaxay in nolosha dadka Soomaliyeed ay ku xiran tahay baadiyaha maantana ay la il daran yihiin abaar saamayn xooga ku yeelatay, waana inagu waajib buuyiri  inaan ka wada qayb qaadano gurmadka.



Dhoodimeernews.com