DhoodimeerNews.com

Sun 17/12/2017

Halkee ku dambeeyeen kalluumaysatadii laga afduubtay Garacad?

Saddex nin oo kalluumaysato ah oo qeyb ka ahaa rag dhawaan laga ka xaystay xeebta Garacad ee gobolka Mudug ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay dib u helaan xoriyadoodii.

Kalluumaysatadaan ayaa haatan waxay ku sugan yihiin xeebta Iidaan oo katirsan tuulada Bud-bud ee koonfurta Mudug, halkaas oo ay ku hayaan odayaal kasoo jeeda Galmudug oo ku guulaysatay inay burcada haystay kalasoo wareegaan Cabdulqaadir Cali Faarax Xalane oo kamid ah ehelada ragga la afduubtay ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay in odayaasha deegaanka Iidaan ay balanqaadeen inay isla maanta soo wareejinayaan saddexda nin iyo qalabkooda.

Xalane waxa uu sheegay in kooxda burcadu ay markii hore kalluumaysatada ka dalbadeen caawin, balse markii la caawiyay oo saddex kamid ah kalluumaysatada iyo doontoodii ay kaxeeyeen raggaan burcada ah oo ay geeyeen xeebtooda ayay waji kale lasoo baxeen oo afduub u qabsadeen.