DhoodimeerNews.com

Mon 23/10/2017

Jawaari “Hadii sanadka 2020 aysan doorasho Hal qof iyo hal cod suuroobeyn, waxaa dib loogu noqonaa doorasho dadban”

8 marso 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka inay ka soo tala bixiyaan in dalkan ay doorasho hal cod iyo hal qof ka dhaceyso iyo inkale ka hor sanadka 2020.
Jawaari ayaa si kulul u canaantay Guddiga, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in sanadkan gudihiisa 2017 Guddiga doorashooyinka uu u keeno hadii suurta gal tahay in la hirgelin karo in doorasho hal qof iyo hal cod ay dhacdo sanadka 2020, hadii kale aan been loo sheegin shacabka.

“Baarlamaanka labadiisa Aqal ma sugi doono illaa laga gaaro 2019, kaddib la fiiriyo suurta gal ma tahay doorasho hal qof iyo hal cod ay dhacdo, waxaa rabnaa inaan hada bilaabno sanadkan 2017 oo aan gadaal gadaal u soo xisaabino, ka soo bilaaba 2020, suurta gal ma tahay arrimaha la iska doonayo inaan hirgelino, hadii ay maya tahay walaalayaalow, shacabka yaa been loo sheegin, oo hala dhaho doorasho hal qof iyo hal cod ma suura galeyso, anagana sanadkan ayaa Baarlamaanka geynaya, waqtiga xil heynta baarlamanaka ayaa dheereynayaa illaa ay ka suurta gasho doorasho hal qof iyo hal cod”ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale Jawaari ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada qaranka inay keenaan waqti ku suurta geli karto doorasho hal qof iyo hal cod, hadii kalena ay dib ugu noqonayaan doorasho dadban sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa rabnaa in aad inoo keentaan hadii shan sano ama lix sano ku suurtoobeyso doorashada, in aad hada noo sheegtaan, hadii kale doorasho dadban ayaa dib ugu noqoneynaa, shacabka yaa been loo sheegin”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in aanan loo baahneyn in iyadoo waqti yar ama sanad ka dhiman tahay doorashada uu bilowdo is eedeyn iyo far isku-taag, sidaas darteed looga baahan yahay Guddiga inuu keeno qorshe cad oo sanadkan gudihiisa ah in dalka ay doorasho hal qof iyo hal cod ka dhici karto sanadkan 2020.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga doonayaa in markii u horeysay inay dalka ka hirgeliso doorasho hal qof iyo hal cod, marka la gaaro sanadka 2020, waxaana jira caqabado badan oo ay ugu weyn tahay amniga iyo in wali dowladda aanay gacanta ku heyn dalka oo dhan.